Dhuusamareeb – 7 November 2026

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeeray Ciidamo Cusub oo Tababar ku Qaadanaya Xarunta Xananbuure
Dhuusamareeb – 7 November 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahl Cabdullaahi Cumar oo loo yaqaan Jeneraal Khaliif, ayaa booqasho kormeer ah ku tegay xarunta tababarka ciidamada ee Xananbuure, oo ku taalla maamulka Galmudug.
Ciidamada uu kormeeray ayaa ah askar cusub oo tababar ciidan ku qaadanaya xarunta, kuwaas oo loogu diyaarinayo inay ku biiraan safafka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ay uga qeyb qaataan waajibaadka qaran ee difaaca dalka.
Intii uu booqashada ku guda jiray, Jeneraal Khaliif ayaa la kulmay ciidamada cusub, wuxuuna u jeediyay khudbad uu kula dardaarmay inay muujiyaan waddaniyad, karti iyo daacadnimo, isla markaana ay si buuxda ugu diyaar garoobaan difaaca dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa sidoo kale bogaadiyay go’aanka ay dhalinyaradu ku doorteen inay ku biiraan ciidamada qalabka sida, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in qof kasta oo askari ahi uu fahmo masuuliyadda qaran ee saaran, kana shaqeeyo ilaalinta amniga iyo midnimada dalka.
Dhanka kale, Jeneraal Khaliif ayaa sagootiyay cutubyo kale oo ciidan ah oo tababarkoodii ku soo dhammaystay xarunta Xananbuure, kuwaas oo loo diyaariyay inay ku biiraan howlaha iyo waajibaadka kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Wuxuu ciidamada kula dardaarmay inay ilaaliyaan anshaxa iyo nidaamka ciidamada, Alle ka cabsadaan, una hoggaansamaan shuruucda iyo xeerarka ciidamada. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leeyihiin dulqaadka, feejignaanta, geesinimada iyo dhowrista xuquuqda aadanaha inta lagu guda jiro howlgal kasta oo militari.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso qorista iyo tababarka ciidamada, iyadoo xarunta Xananbuure ay dhowaan tababaro uga soo baxeen cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), kuwaas oo markii dambe ku biiray howlgalada amni ee dalka.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo ay socdaan howlgallada milatari ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isla markaana dowladda Soomaaliya ay diyaarinayso ciidamada qaranka si ay ula wareegaan masuuliyado amni oo dheeraad ah, gaar ahaan deegaannada la filayo inay ka baxaan ciidamada Midowga Afrika ee taageerada iyo xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).