Al-Shabaab oo isku dayaysa inay saameyn ku yeelato siyaasadda Soomaaliya, iyadoo la xiriiraysa odayaasha dhaqanka iyo hoggaamiyeyaasha bulshada

Warar laga helayo ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay ka faa’iideysanayso khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya, tabashooyinka bulshada iyo cadaadiska caalamiga ah ee saaran hoggaanka dalka, si ay u xoojiso awooddeeda ciidan, sirdoon iyo dhaqaale.

Saraakiil sare oo ka tirsan kooxda ayaa la sheegay in loo xil saaray ka faa’iideysiga kala qeybsanaanta beelaha, khilaafaadka siyaasadeed iyo wiiqidda hay’adaha amniga qaranka. Sidoo kale, kooxda ayaa la sheegay inay dadaal ku bixinayso sidii ay saameyn ugu yeelan lahayd bulshada deegaanka iyo maamullada gobollada.

Wararka ayaa intaas ku daraya in malaayiin doollar loo qoondeeyay sidii loola macaamili lahaa odayaasha dhaqanka, hoggaamiyeyaasha bulshada iyo ganacsatada, si loo helo taageero iyo saameyn siyaasadeed.

Dhanka kale, haddii uu dhaco iska horimaad hubeysan oo dhex mara Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, Al-Shabaab waxay u arki kartaa fursad ay uga faa’iideysato firaaq amni oo ka dhasha khilaafkaas, si ay u qabsato deegaanno hor leh, ula wareegto fariisimaha ciidamada, una sameysato saldhigyo cusub, iyadoo isku dayaysa inay isu muujiso awood siyaasadeed oo beddel u noqon karta dowladda.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top