
BELEDWEYNE – 19 NOVEMBER 2026
Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in iska horimaad hubeysan uu ka dhacay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, kaasoo u dhexeeyay maleeshiyaad ka tirsan beesha Xawaadle iyo ciidamada Jabuuti ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in maleeshiyaad deegaanka ah ay la wareegeen gacan ku haynta garoonka, iyagoo doonayay inay ka hortagaan diyaarad la sheegay inay Muqdisho ka siday ciidamo iyo hub, taasoo qorsheysneyd inay ka degto garoonka.
Sida ay sheegayaan wararka deegaanka, maleeshiyaadka ayaa isku dayay inay hor istaagaan diyaaradda, waxaana halkaasi ka dhacay iska horimaad ay isku fara saareen ciidamada Jabuuti ee ilaalinayay garoonka iyo maleeshiyaadka deegaanka.
Wararka aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin ayaa sheegaya in ugu yaraan hal askari oo Jabuutiyaan ah uu ku dhintay, halka laba askari oo kale ay dhaawacmeen. Waxaa sidoo kale la soo sheegayaa dhaawacyo soo gaaray dhinacyada kale, balse faahfaahinta khasaaraha weli ma cadda.
Iska horimaadkan ayaa kusoo aadaya xilli ay magaalada Beledweyne ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo la xiriirta khilaafka hoggaanka maamulka Hirshabeelle iyo muranka awoodda dowladda federaalka iyo dhinacyada deegaanka.
Garoonka diyaaradaha ayaa la sheegay inuu weli ku jiro gacanta maleeshiyaadka deegaanka, iyadoo xaaladda magaalada ay tahay mid kacsan, isla markaana ay jiraan dadaallo lagu doonayo in xiisadda lagu dejiyo wada-hadal.