LIX GARSOORE OO DOWLADDA SOOMAALIYA KU DACWEYEY MAXKAMADDA BARIGA AFRICA

Mogadishu – 23 November 2026

Lix garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah Dowladda Federaalka Soomaaliya u gudbiyey Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika (EACJ), iyagoo ka cabanaya tallaabooyinkii dowladda ee la xiriiray xil-ka-qaadista Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed, iyo khilaafka hareeyey madax-bannaanida garsoorka dalka.

Dacwaddan ayaa ka dhigan in khilaafkii u dhexeeyey dowladda federaalka iyo garsoorka Soomaaliya uu hadda u gudbay heer maxkamadeed oo heer goboleed.

Garsoorayaasha dacwadda gudbiyeyLixda garsoore ee dacwadda gudbiyey waxaa lagu kala magacaabaa:Baashe Yuusuf AxmedSaalax Sheekh Ibraahim DiblawCabdulqaadir Idiris CiiseAbubakar Axmed CaliCabdikaafar Xuseen IsxaaqCabdicasiis Maxamed Yuusuf

Maxay ka cabanayaan?Garsoorayaasha ayaa ka hor yimid tallaabooyinka dowladda federaalka ee la xiriira xil-ka-qaadista Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, waxayna doonayaan in la baaro eedeymaha ku saabsan faragelinta madax-bannaanida garsoorka iyo carqaladaynta shaqada Maxkamadda Sare.

Dowladda ayaa la siiyey 45 maalmoodMaxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika ayaa dowladda Soomaaliya siisay 45 maalmood oo ay kaga jawaabto dacwadda. Haddii aysan jawaab ku soo gudbin muddada loo qabtay, maxkamaddu waxay awood u leedahay inay dacwadda sii waddo iyadoo aan dowladda jawaabteeda la helin.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top