Mucaaradka oo diiday dalabkii Xasan Sheekh ee wada-hadal cusub

Mucaaradka Soomaaliyeed ayaa diiday dalab cusub oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u diray, kaas oo ahaa in wada-hadal lagu qabto meel uu mucaaradku doorto, laguna xalliyo khilaafka siyaasadeed iyo arrimaha doorashooyinka.

Mucaaradka ayaa ku adkeysanaya in wada-hadalku u baahan yahay dhexdhexaadin iyo heshiis ku saabsan qaabka doorashada, ka hor inta aan la bilaabin wadahadallo cusub.

Arrintan ayaa sii adkeyneysa dadaallada lagu gaarayo heshiis siyaasadeed, xilli khilaafka doorashada iyo dastuurka uu weli taagan yahay.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top