Caleema-saarka Madaxweynaha Galmudug oo Baaqday Kadib Markii Diyaarad Drone ah Lagu Arkay Hawada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb – 3-da November 2026

Munaasabaddii caleema-saarka Madaxweynaha Dowladda Galmudug ayaa baaqatay, kadib markii diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn (Drone) lagu arkay hawada magaalada Dhuusamareeb, taas oo dhalisay walaac dhanka amniga ah. Dhacdadan ayaa sababtay in dib loo dhigo munaasabaddii caleema-saarka oo la filayay inay ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ka baaqday safarkii uu ku tagi lahaa magaalada Dhuusamareeb, kadib markii walaac laga muujiyay xaaladda amni iyo badqabka safarkiisa. Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in arrimaha amniga ay door ku yeesheen go’aanka dib loogu dhigay booqashadiisa.

Ilaa hadda ma jiraan faahfaahin rasmi ah oo caddeynaya cidda iska leh diyaaradda Drone-ka ama sababta ay uga muuqatay hawada magaalada. Sidoo kale, lama shaacin waqti rasmi ah oo dib loogu qabanayo munaasabadda caleema-saarka. Xaaladda amni ee Dhuusamareeb iyo tallaabooyinka ay qaadaan laamaha ammaanka ayaa weli ah arrimaha sida weyn isha loogu hayo.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top