4nov_ 2026

Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa bilaabay ka bixitaanka deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo si buuxda uga baxay magaalada Baraawe. Ciidamada ku sugan deegaannada kale ee gobolka ayaa la sheegay inay si tartiib-tartiib ah uga baxayaan.
Dhanka kale, ciidamada Burundi ayaa iyaguna ka baxay deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana markii ay halkaas isaga baxeen la wareegay Alshabaab.
Waxaa xusid mudan in ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegayaan qaar ka mid ah goobihii ay ka baxeen ciidamada howlgalka Midowga Afrika, waxaana la sheegay in ciidamo badan oo dowladda ka tirsan la geeyay magaalada Baraawe iyo deegaanno kale oo ay ka baxeen ciidamada AUSSOM.
Isbeddelladan amni ayaa dhaliyay walaac laga qabo mustaqbalka amniga dalka, gaar ahaan haddii bixitaanka ciidamada Midowga Afrika uusan la socon qorshe awoodda ciidan ee dowladda Soomaaliya lagu xoojinayo, laguna xaqiijinayo in deegaannada laga baxayo aysan dib ugu dhicin gacanta Al-Shabaab.
Dhanka siyaasadda, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wajahaya khilaaf kala dhexeeya mucaaradka oo la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka. Mucaaradka ayaa ku eedeynaya dowladda inay waddo qorshe doorasho hal dhinac ah, halka wadahadallada siyaasadeed aysan weli keenin heshiis la wada aqbalo.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu talada miiska wada-hadalka keeno, balse waxaa weli taagan su’aalo la xiriira waqtiga, habka iyo natiijada laga filayo wada-hadallada.
Isku soo wada duuboo, bixitaanka ciidamada Midowga Afrika iyo khilaafka siyaasadeed ee gudaha ayaa keenaya su’aalo waaweyn oo ku saabsan amniga, xasilloonida iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.