Ugaaska Murusade oo ka hadlay dhacdooyinkii Waralaliska, baaqna u diray shacabka Deynile

Muqdisho – 9 Nofeembar 2026

Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi, oo ah Ugaaska beesha Murusade, ayaa cambaareeyay dhacdooyinkii ka dhacay deegaanka Waralaliska ee degmada Deynile, kuwaas oo la xiriiray muran dhul, barakicin iyo waxyeello loo geystay dadka rayidka ah.

Ugaasku wuxuu tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay dhacdooyinkaasi, isagoo si adag uga horyimid in awood ciidan loo adeegsado shacabka laguna barakiciyo dhulkooda.

Wuxuu sheegay in arrinta dhulka Waralaliska hore loogu xalliyay heshiis rasmi ah, wuxuuna ugu baaqay shacabka degmada Deynile inay mideeyaan mowqifkooda, difaacaan xuquuqdooda iyo hantidooda, isla markaana ilaaliyaan nabadda iyo wadajirka bulshada.

Ugaasku wuxuu sidoo kale ku baaqay in khilaafaadka dhulka lagu xalliyo wada-hadal iyo hannaan sharci ah, lagana fogaado tallaabo kasta oo sii hurin karta xiisadda.

#Muqdisho #Deynile #Waralaliska #Murusade #Somalia

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top