Muqdisho — Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in sarkaal hore uga tirsanaa NISA, kana soo noqday Abaanduulaha Ururka Duufaan, uu si qarsoodi ah uga baxay Muqdisho, kuna biiray Al-Shabaab.

Sarkaalkan oo horay xilka looga qaaday sababo la xiriira tuhunno amni ayaa la sheegay inuu ka baxay degmada Dayniile, isagoo sii maray deegaanka Basra ee Shabeellaha Hoose, kadibna gaaray gobolka Jubbada Dhexe oo ay maamusho Al-Shabaab.
Warkan ayaa dhaliyay su’aalo ku saabsan habraacyada amniga iyo sida uu sarkaalku uga gudbay caasimadda. Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin dhacdadan, mana jirto xaqiijin rasmi ah oo laga bixiyay xogta.