
Muqdisho – 16 Nofeembar 2026Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhagax-dhigay mashaariic cusub oo dhanka difaaca iyo horumarinta ciidamada ah, kuwaas oo taageero ka helaya dowladda Shiinaha.
Munaasabad ka dhacday Soomaaliya maalintii Axadda, ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku ammaanay Shiinaha inuu yahay saaxiib dhow oo Soomaaliya ay wadaagaan aragtiyo siyaasadeed, gaar ahaan siyaasadaha loo yaqaan Hal Shiinaha (One China) iyo Hal Soomaaliya (One Somalia).
Jaamacad difaac iyo isbitaal ciidanMashaariicda uu madaxweynuhu dhagax-dhigay waxaa ka mid ah:Jaamacadda Qaranka ee Difaaca: Xarun loogu talagalay tababarka, waxbarashada iyo tayeynta saraakiisha ciidamada Soomaaliya.Isbitaal casri ah oo ciidamada ah: Xarun caafimaad oo loogu talagalay daryeelka ciidamada iyo horumarinta adeegyada caafimaadka milatariga.
Mashaariicdan ayaa la sheegay inay qayb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo awoodda difaac ee Soomaaliya iyo sidii dalku u yeelan lahaa isku-filnaansho dhinaca milatariga ah, iyadoo taageero laga helayo dowladda Shiinaha.