Mareykanka oo shaaciyey sababta uu uga baxay saldhigga Ballidoogle

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay sababta keentay in ciidamadeeda laga raro saldhigga Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo muddo dheer saldhig muhiim ah u ahaa howlgalada milatari ee Mareykanka iyo tababarka ciidamada Kumaandoosk8a Danab.

taliye ku-xigeenka taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal John Brennan, uu sheegay in sababta ugu weyn ee ciidamadu uga baxeen saldhigga ay tahay burburka ku yimid dhabaha diyaaradaha.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in inta badan shaqaalihii milatariga ee saldhigga ka hawlgeli jiray loo wareejiyey magaalada Muqdisho

Si kastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa sheegay inuu sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, inkastoo uu ka baxay saldhiggaas.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top