
18 Nofeembar 2026
Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ayaa sheegay in dagaallada ka dhacay magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda ay barakiciyeen in ka badan 18,000 oo qof, kuwaas oo ka cararay guryahooda si ay uga badbaadaan colaadaha.
ICRC ayaa ka digtay in dadka barakacay ay wajahayaan dhibaatooyin kale oo ay ka mid yihiin cunto yari, adeeg caafimaad oo xaddidan, hoy la’aan iyo roobab culus oo la filayo inay keenaan fatahaado la xiriira El Niño.
Hay’addu waxay sheegtay in dagaallada gobolka Bay ay sii xoogeysanayeen tan iyo bishii Maarso, isla markaana ay xaaladda sii adkeeyeen abaaraha iyo hoos u dhaca gargaarka bani’aadannimo.
Waxaa sidoo kale la sheegay in 527 qof oo ku dhaawacmay dagaallada ay kooxaha gurmadka ee Bisha Cas u qaadeen isbitaallo, halka ku dhowaad 2,000 oo qoys oo barakacay ay heleen taageero lacageed.
ICRC waxay ka digtay in ku dhowaad 26,000 oo barakacayaal ah oo ku sugan Baydhabo ay wajihi karaan xaalad cunto yari oo daran dhammaadka Diseembar.

