
19 Nofeembar 2026
Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa si cad u difaacay Dowladda Imaaraadka Carabta, isaga oo ka horyimid eedeymaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee la xiriira faragelinta Imaaraadka ee arrimaha gudaha Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay Laftagareen ayaa lagu sheegay in Imaaraadku yahay saaxiib muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed, isla markaana uu muddo dheer ka taageerayay Soomaaliya dhinacyada amniga, gargaarka bani’aadannimo iyo adeegyada bulshada.
Laftagareen ayaa sidoo kale su’aal geliyey awoodda Xasan Sheekh ee maareynta arrimaha dibadda, isagoo ku dooday in khilaafaadka siyaasadeed ee dalka iyo go’aannada waaweyn ay u baahan yihiin heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Mowqifka Laftagareen ayaa ku soo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Imaaraadka, kaas oo sidoo kale saameyn ku yeeshay kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya.