Taliye ku-xigeenka Booliska Soomaaliya oo xilka iska casilay, kuna eedeeyay hay’adaha amniga cadaalad-darro iyo siyaaseyn

Muqdisho – 19 November 2026

Sareeye Guuto Cabdullaahi Cabdullaahi Maxamed ayaa iska casilay xilkii Taliye ku-xigeenka Booliska Soomaaliyeed iyo madaxa howlgalada ciidamada gaarka ah, isagoo ku eedeeyay hay’adaha amniga inay ku milmeen cadaalad-darro, eex, qaraabo-kiil iyo siyaaseyn.

Is-casilaaddiisa ayuu ku sheegay inuu ka soo horjeedo adeegsiga ciidamada amniga ee dano siyaasadeed, burburinta iyo barakicinta dadka, iyo in xilalka amniga lagu saleeyo xiriir qoys halkii laga eegi lahaa karti iyo aqoon.

Sarkaalka oo sheegay inuu 18 sano ka shaqeynayay amniga ayaa ka digay in maamul xumo iyo shaqsiyaad aan u qalmin xilalka loo dhiibo ay wiiqi karaan hay’adaha amniga iyo dowladnimada.

Wuxuu ku adkeystay in go’aankiisa is-casilaaddu yahay mid kama dambays ah, isagoo ku tilmaamay inuu ka degayo “tareen ku socda jihada khaldan.”

Somalia #BooliskaSoomaaliya #IsCasilaad #AmnigaSoomaaliya #Muqdisho

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top