Muqdisho – 19 November 2026

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa la sheegay inuu qorsheynayo dib-u-geynta Guutada 14-ka Oktoobar ee deegaanno iyo magaalooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, oo ay ka mid yihiin Janaale, Number 50, Number 60 iyo Marka.
Sida ay warbaahinta gudaha ka soo xigatay saraakiil militari, ciidanka guutada ayaa lagu wargeliyey qorshaha dib loogu celinayo goobihii ay hore uga howlgali jireen.
Dib-u-geyntan ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay dadaallada dowladda federaalka ee lagu xoojinayo amniga gobolka, laguna hortagayo falal amni-darro oo ay fulin karto kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan kadib bixitaankii ciidamada Uganda ee horay uga howlgali jiray qaybo ka mid ah Shabeellaha Hoose.
Guutada 14-ka Oktoobar, oo la sameeyay xilligii dowladdii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dhawaan loogu yeeray Muqdisho, halkaas oo ay ka qeyb galeen tababar dib-u-habeyn iyo kor-u-qaadid aqoontooda ciidan, iyadoo sidoo kale lagu sameeyay dib-u-habeyn dhanka qaab-dhismeedka iyo abaabulka ah.
Wararka ayaa tilmaamaya in qorshahan cusub uu qeyb ka yahay diyaarinta ciidamada loogu kala dirayo goobihii ay hore u sugayeen amniga, si loo xoojiyo joogitaanka ciidamada dowladda loona taageero dadaallada lagu ilaalinayo xasilloonida Shabeellaha Hoose.