Ciidamada Danab oo sheegay inay dileen 21 Al-Shabaab ah duqeyn iyo howlgal ka dhacay Leego

Ciidamada gaarka ah ee Danab iyo ciidamo kale oo Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Leego ee gobolka Bay, kaas oo lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka.

War kasoo baxay ciidamada ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 21 xubnood oo Al-Shabaab ah lagu dilay howlgalka, kaas oo isugu jiray weerar dhulka ah iyo duqeyn cirka ah, iyadoo la sheegay in sidoo kale la burburiyey fariisimo, godad iyo difaacyo ay kooxda isticmaali jirtay.

Ciidamada ayaa sheegay in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab ee gobolka Bay.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top