KISMAAYO – 8 Nofeembar 2026

Madaxweyne Ku-xigeenka dowlad-goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, isaga oo la socda wafdi ay ku jiraan wasiirro iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, xilli uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed iyo amni ee u dhexeeya maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka, gaar ahaan xaaladda gobolka Gedo.
Madaxweyne Ku-xigeenka iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland iyo waxgarad kale oo deegaanka ah.
Soo laabashadiisa ayaa timid kaddib safar shaqo oo uu ku tagay gobolka Gedo iyo caasimadaha dalalka deriska la ah Jubbaland.
Intii uu ku guda jiray socdaalkiisa, Maxamuud Sayid Aadan ayaa dhaliilo u jeediyay dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo ku eedeeyay inay qaaday tallaabooyin saameyn taban ku yeeshay dadka ku nool gobolka Gedo. Waxa uu sidoo kale sheegay in cabasho laga gudbiyay arrimahaasi.
Khilaafka u dhexeeya Muqdisho iyo hoggaanka Jubbaland ayaa salka ku haya maamulka gobolka Gedo, awoodaha maamul, qorshaha amniga iyo cidda gacanta ku yeelanaysa maamulka gobolka
Dib u soo laabashada Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland ayaa kusoo beegmaysa xilli ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo wadatashiyo la xiriira mustaqbalka gobolka Gedo, iyadoo aan weli xal rasmi ah laga gaarin khilaafka labada dhinac.
Waxaa la filayaa in Maxamuud Sayid Aadan uu Kismaayo ka sii wado la socodka arrimaha maamulka, amniga iyo horumarinta, iyadoo indhaha lagu hayo tallaabooyinka xiga ee labada dhinac.