Safiirka Shiinaha: Beijing iyo Jabuuti oo diiday aqoonsiga Somaliland

Muqdisho – 17 Nofeembar 2026 – (Qolka Wararka)Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wang Yu, ayaa sheegay in Shiinaha iyo Jamhuuriyadda Jabuuti ay isku mowqif ka yihiin diidmada aqoonsi kasta oo loo fidiyo maamulka Somaliland, iyagoo u arka qayb aan ka go’i karin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wang Yu ayaa sheegay in Shiinaha iyo Jabuuti, oo labaduba cod saameyn leh ku leh Qaramada Midoobay, ay ku heshiiyeen inay ka shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa in maamulka Somaliland helo aqoonsi caalami ah.

Safiirka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in labada dal ay taageersan yihiin midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Hadalkan ayaa muujinaya mowqifka Shiinaha iyo Jabuuti ee ku aaddan taageerada midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo diidmada tallaabo kasta oo horseedi karta aqoonsiga gooni-isu-taagga Somaliland.

Soomaaliya #Shiinaha #Jabuuti #Somaliland #WangYu #MidnimadaSoomaaliya #QaramadaMidoobay

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top