Taliyaha Ciidanka Itoobiya oo Saylac ku xiray gobolka Tigray, hadallo muran dhaliyay

Itoobiya – 18Nofeembar 2026

Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Itoobiya, Jeneraal Birhanu Jula, ayaa dhaliyay dood ka dhalatay hadallo uu kaga hadlay magaalooyin iyo goobo taariikhi ah oo uu ku sheegay inay xiriir la leeyihiin gobolka Tigray, isagoo xusay magaalada Saylac ee Soomaaliya.

Birhanu Jula ayaa yiri: “Saylac waxaa iska leh Tigray, Adua-na waxaa iska leh Tigray, Al-Najaashi waa Tigray, Dogali-na waa Tigray,” isaga oo intaas ku daray in dadka Tigray ay yihiin kuwa ugu Itoobiyaannimada badan, cidda arrintaas diiddanna ay tahay Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF).

Hadallada taliyaha, gaar ahaan xusitaanka magaalada Saylac oo ku taalla waqooyiga Soomaaliya, ayaa dhaliyay su’aalo la xiriira taariikhda, aqoonsiga iyo sheegashooyinka juqraafiyeed ee gobolka Geeska Afrika.

Soomaaliya #Itoobiya #Saylac #Tigray #BirhanuJula #GeeskaAfrika #TPLF

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top