Beledweyne – 2-da Nofeembar

Xaalad amni iyo mid siyaasadeed oo walaac dhalisay ayaa ka taagan gobolka Hiiraan, kadib markii ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawiisley ay bilaabeen inay isaga baxaan fariisimo ciidan oo ku yaalla qaar ka mid ah degmooyinka gobolka, iyagoo u jihaystay magaalada Beledweyne.
Wararka laga helayo gobolka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Macawiisley ay ka baxeen fariisimo ku yaalla duleedka degmooyinka Buulo-burde iyo Matabaan, halka cutubyo kale la sheegay inay qorsheynayaan inay banneeyaan deegaanno ku dhow degmada Jalalaqsi. Dhaqdhaqaaqyadan ayaa imanaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya qaar ka mid ah waxgaradka iyo siyaasiyiinta gobolka Hiiraan iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sida ay sheegayaan wararka la helayo, ku dhawaad 2,000 oo askari oo ka tirsan ciidamada Macawiisley ayaa haatan ku sugan magaalada Beledweyne, iyagoo wata hub iyo gaadiid ciidan. Tiradan weli ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijisay, balse dhaq-dhaqaaqa ciidamada ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada.
Waxaa sidoo kale la sheegay in ciidamadaasi ay Jimcihii la wareegeen xerada Lamagalay iyo xarumaha maamulka gobolka Hiiraan iyo degmada Beledweyne. Arrintan ayaa sii xoojisay walaaca laga qabo in isbeddelka siyaasadeed ee gobolka uu isu beddelo loollan ciidan, iyadoo la hadal hayo qorshe ah in awoodda ciidamada deegaanka loo adeegsado taageeridda maamulka cusub ee la doonayo in laga dhiso gobolka Hiiraan.
Dhanka kale, waxaa isa soo taraya walaaca laga qabo saameynta ay dhaqdhaqaaqyadani ku yeelan karaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Dadka ka faallooda arrimaha amniga ayaa ka digaya in haddii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka baxaan fariisimaha ay kaga sugan yihiin furimaha dagaalka, ay taasi fursad u abuuri karto Al-Shabaab inay dib ugu soo laabtaan deegaanno horay looga saaray.
Xiisaddan ayaa timid xilli gobolka Hiiraan uu muddooyinkii dambe ahaa goob muhiim u ah howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda ay door weyn ku lahaayeen dagaallada ka socda gobolka.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo si buuxda u xaqiijinaya tirada ciidamada ka baxay fariisimaha, goobaha ay banneeyeen iyo qorshaha xiga ee hoggaanka ciidamada Macawiisley. Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama soo bixin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan xaaladdan.
Xaaladda gobolka ayaa weli ah mid u baahan in si dhow loola socdo, maadaama khilaafka siyaasadeed uu saameyn ku yeelan karo amniga, xasilloonida iyo wada-shaqeynta ciidamada ku sugan furimaha dagaalka.