
BARAAWE – 17 NOVEMBER 2026Ciidamada Uganda ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku wareejiyey shan saldhig oo milatari oo ku yaalla degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Shanta saldhig ee la wareejiyey ayaa kala ah Baraawe Embresso, Baraawe Knoll, Kismaayo Road, Seaport iyo Runway.
Munaasabadda wareejinta ayaa ka dhacday xarunta guutada 45-aad ee ciidamada Uganda ee deegaanka Embresso.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshaha ay ciidamada Soomaaliya si tartiib tartiib ah ugula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka, iyadoo Uganda ay qorsheyneyso inay soo afjarto joogitaankeeda milatari ee Soomaaliya.
Wareejintan ayaa noqonaysa imtixaan muhiim ah oo lagu ogaanayo awoodda ciidamada Soomaaliyeed ee sugidda amniga goobaha istaraatiijiga ah.