
LEEGO, SHABEELLAHA HOOSE – Duqeyn cirka ah oo xooggan ayaa 16-kii November 2026 laga fuliyey deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday goobo la sheegay in kooxda Al-Shabaab u adeegsan jirtay kaydinta hubka, saanadda milatari iyo agabka qaraxyada.
duqeynta waxaa fuliyey saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya, kaddib markii ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay deegaanka ka sameeyeen howlgallo milatari oo qorsheysan.
goobihii la beegsaday ay ahaayeen xarumo ay kooxda Al-Shabaab u adeegsan jirtay kaydinta hubka iyo agabka ay ku diyaarsato qaraxyada, kuwaas oo lagu taageeri jiray howlgallada kooxda.
Khasaaraha ka dhashay duqeyntaWararka la helayo ayaa sheegaya in duqeyntu ay burbur xooggan gaarsiisay goobihii la bartilmaameedsaday, isla markaana ay jiraan khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac ah.