
Anwar Gargash, oo ah la-taliyaha diblomaasiyadeed ee Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, ayaa ka falceliyay hadallo uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku dhaliilay Imaaraadka, isaga oo madaxweynaha ku tilmaamay mid muddadii xilkiisu dhammaatay.
Gargash ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X ku sheegay in weerarka Madaxweynaha Soomaaliya uu muujinayo isbeddel ku yimid mowqifyadiisa iyo siyaasaddiisa, isaga oo su’aal8 geliyay in xisaabaadka shaqsiga ah laga hormarinayo danaha qaranka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in Imaaraadku garab istaagay Soomaaliya iyo shacabkeeda xilliyadii adkaa, isaga oo muujiyay sida uu uga xun yahay in khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya lagu dhex daro muranno heer goboleed.
Sidoo kale, Gargash ayaa sheegay in khilaafaadka gudaha Soomaaliya aysan u adeegayn danaha shacabka, isla markaana ay dhaawici karaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.
Ugu dambeyn, wuxuu carrabka ku adkeeyay in xiriirka Imaaraadka iyo shacabka Soomaaliyeed uu ka qoto dheer yahay khilaafaadka siyaasadeed ee ku-meelgaarka ah, xisaabaadka shaqsiga ah iyo hamiga siyaasadeed.