
Muqdisho – 18 November 2026
Diyaaradaha dagaalka nooca F-16 ee Turkiga, kuwaas oo Soomaaliya ku sugnaa tan iyo Janaayo 2026, ayaa dib ugu laabtay dalka Turkiga si loogu sameeyo dayactirkii joogtada ahaa, kaddib markii ay dhammaysteen muddadii loo qorsheeyay inay ka howlgalaan Soomaaliya.
Diyaaradaha ayaa sameeyay duulimaad masaafo dhan 11,000 KM ah, iyaga oo aan wax joogsi ah samayn, taas oo muujinaysa awoodda duulimaadyada fog iyo khibradda farsamo ee ciidamada cirka Turkiga, gaar ahaan shidaal-ku-shubista hawada.
Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegtay in isbeddelka diyaaradaha si guul leh loo dhammaystiray, iyadoo diyaarado kale lagu beddelay kuwii dib loogu celiyay Turkiga, si howlgalka ciidamada cirka Turkiga ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho uu u sii socdo.
Wasaaradda ayaa sidoo kale guushaas ku tilmaantay tusaale muujinaya awoodda Turkiga ee gaarsiinta ciidamadiisa masaafooyin fog iyo sida ay uga go’an tahay xasilloonida Bariga Afrika.