Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo la wareegay deegaanka CIlbir ee gobolka Mudug

Ciidamada dowladda Soomaaliya, oo taageero ka helaya cutub ka tirsan ciidamada cirka, ayaa shalay fuliyay howlgal milatari oo qorsheysan, kaas oo ay kula wareegeen deegaanka CIlbir ee gobolka Mudug.

Deegaanka CIlbir ayaa ku yaalla qiyaastii 40 KM dhanka magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ciidamada dowladda ay kula dagaallamayaan kooxaha argagixisada ah ee ka howlgala gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in howlgallada lagu baacsanayo kooxahaasi ay weli ka socdaan deegaanno kala duwan oo gobolka Mudug ah.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top