Ciidanka Xoogga Dalka oo Dilay Horjooge Sare oo Al-Shabaab u Qaabilsanaa Baadda iyo Ururinta Lacagaha Gobolka Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa howlgal milatari oo ay ka fuliyeen deegaanka Moora Hagar, oo ka tirsan degmada Guudale, kuna yaalla qiyaastii 20 KM koonfurta magaalada Xudur ee gobolka Bakool, ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Horjoogaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Mustaf Maxamed Dhaayow, waxaana la sheegay inuu kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa ururinta lacagaha iyo xoolaha baadda ah ee laga qaado bulshada deegaanka.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, howlgalka ayaa qayb ka ah dadaallada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee lagu ciribtirayo maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo horjoogayaashooda, kuwaas oo dhibaato ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in ciidamada ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top