
Goobta: New York, MareykankaTaariikhda: 17 Nofeembar 2026
Soomaaliya ayaa noqotay dalka keliya ee ka tirsan xubnaha Qaramada Midoobay ee codka diidmada ah ka dhiibtay qaraar looga gol lahaa in la xoojiyo dadaallada lagu joojinayo dhammaan noocyada tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha.
Qaraarka oo ay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ka doodeen Guddiga Saddexaad ayaa helay 175 cod oo taageero ah, hal cod oo diidmo ah iyo lix dal oo ka aamusay.
Qaraarkan ayaa diiradda saaraya ka hortagga dilalka haweenka, tacaddiyada jireed, kuwa galmada, cabsi-gelinta iyo tacaddiyada ka dhaca internet-ka iyo baraha dijitaalka ah.
Soomaaliya ayaa ahayd dalka keliya ee diiday qaraarka, halka Mareykanka, Ruushka iyo dalal kale ay ka mid ahaayeen kuwa ka aamusay
Ilaa waqtiga warbixintan, dowladda Soomaaliya ma aysan soo bandhigin sharaxaad rasmi ah oo si cad u faahfaahinaysa sababta ay codka diidmada ah u dhiibtay.