Dagaallo ka dhacay magaalada Beledweyne oo u dhexeeya ciidamada Hirshabeelle iyo kooxo ka tirsan Macawiisleyda

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in xalay dagaal hubeysan uu dhexmaray ciidamada taabacsan Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle, Cabdifataax Xasan Afrax, iyo kooxo ka tirsan Macawiisleyda.

Dagaalka ayaa ka dhacay agagaarka guriga Madaxweyne Ku-xigeenka, waxaana wararka hordhaca ah ay sheegayaan in hal haweeney ay ku dhimatay, halka laba qof oo ka tirsan kooxdii weerarka soo qaaday ay dhaawacmeen.

Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hortageen weerarka, isla markaana ay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ciidan, oo ay ku jirto RPG.

Xaaladda magaalada ayaa weli kacsan, iyadoo dagaalka uu kusoo aadayo xiisad siyaasadeed oo ka taagan Beledweyne, taas oo la xiriirta khilaafka maamulka Hirshabeelle iyo cabashooyinka siyaasadeed ee deegaanka.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top