Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dalacsiiyey 176 Askari iyo Saraakiil ka Soo Jeeda Hiiraan, Gaar ahaan Beesha Xawaadle

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegay inuu saxiixay dalacsiinta 176 askari iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo kasoo jeeda gobolka Hiiraan, gaar ahaan beesha Xawaadle.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay magaalada Beledweyne ka taagan yihiin xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni, kuwaas oo la xiriira khilaafaadka ka dhex jira dowladda Federaalka iyo dhinacyada taageersan Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.

Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in dalacsiinta ciidamadaasi ay qeyb ka tahay dadaallo ay Villa Somalia ku dooneyso inay saameyn ugu yeelato askarta kasoo jeeda Hiiraan, kuwaas oo qaarkood la sheegay inay taageero u muujiyeen Ugaaska iyo dhaqdhaqaaqa ka socda Beledweyne.

Waxaa sidoo kale la sheegay in laba qof oo rayid ah si gaar ah loo siiyey darajooyinka Jeneraal, laguna daray liiska mushaaraadka ciidamada, iyadoo la sheegay in loo ballanqaaday xilal ka tirsan hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyee

Wararka ayaa intaas ku daraya in tallaabadan lala xiriirinayo dadaallo lagu doonayo in lagu xakameeyo saameynta kacdoonka Beledweyne, lagana hortago in ciidamo kale oo dowladda ka tirsan ay ku biiraan dhinaca taageersan Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sababaha dhabta ah ee ka dambeeya dalacsiinta iyo magacaabista saraakiisha cusub, iyadoo xiisadaha siyaasadeed ee gobolka Hiiraan ay weli taagan yihiin.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top