Xasan Sheekh oo dhagax-dhigay dib-u-dhiska Isbitaalka Xoogga Dalka, kaas oo yeelanaya saddex dabaq iyo adeegyo caafimaad oo casri ah.

Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaas oo la qorsheynayo in dib-u-dhis ballaaran iyo casriyeyn lagu sameeyo.

Mashruucan ayaa ujeedkiisu yahay dib-u-habeynta iyo horumarinta adeegyada caafimaad ee ay helaan ciidamada qalabka sida, gaar ahaan askarta ku dhaawacanta waajibaadka qaran iyo kuwa kale ee u baahan daryeel caafimaad

Dib-u-dhiska isbitaalka ayaa la filayaa inuu sare u qaado tayada adeegyada caafimaadka, iyadoo la qorsheynayo in la casriyeeyo dhismayaasha, qalabka caafimaadka iyo goobaha loogu talagalay daaweynta iyo daryeelka bukaannada.

Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa door muhiim ah ku leh daryeelka caafimaad ee ciidamada, kuwaas oo ka qeyb qaata sugidda amniga iyo difaaca dalka.

Dhagax-dhigga mashruucan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo kaabayaasha caafimaadka ee ciidamada qalabka sida, si loo helo xarun caafimaad oo leh adeegyo casri ah, awoodna u leh inay daboolaan baahiyaha caafimaad ee ciidamada Soomaaliyeed.

Casriyeynta Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la filayaa inay wax ka beddesho heerka adeegyada caafimaad ee loo fidiyo ciidamada Soomaaliyeed.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top