Sanbellooshi oo ciidamo hubeysan la socda ku gaaray magaalada Beledweyne

Beledweyne – 6 November 2026 | Wararka iyo Falanqeynta Siyaasadda

Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbellooshi), agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA), ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, isagoo wata ciidamo hubeysan iyo gaadiid militari, xilli magaalada ay ka jiraan xiisado siyaasadeed iyo amni.Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Sanbellooshi uu ka soo galay dhinaca dalka Itoobiya, isagoo soo maray deegaanka Feerfeer ee xadka labada dal, halkaas oo uu kaga soo gudbay ciidamo la socday ka hor inta uusan gaarin magaalada Beledweyne.Sanbellooshi ayaa dhawaan shaaciyay inuu kulamo kula yeeshay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta hoggaamiyeyaasha maamullada Puntland, Jubbaland iyo Somaliland, isagoo sheegay inuu ka dalbaday inay taageeraan qorshaha ay dadka reer Hiiraan ka wadaan mustaqbalka maamulka gobolka.Imaatinkiisa Beledweyne ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya siyaasiyiin iyo hoggaamiyeyaal deegaanka ah, dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle, gaar ahaan arrimaha la xiriira maamulka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee gobolka Hiiraan.Dhanka kale, ciidamo deegaanka ah ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Beledweyne, waxaana wararka la helayo ay sheegayaan inay la wareegeen xarumo dowladeed oo ay leeyihiin dowladda Federaalka iyo maamulka Hirshabeelle.Ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin ujeeddada safarka Sanbellooshi iyo howlgalka ciidamada la socda. Sidoo kale, ma jiro war rasmi ah oo faahfaahinaya tallaabooyinka xiga ee la xiriira xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Beledweyne, taas oo weli ah mid xasaasi ah.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top