Taliye ku-xigeenka Booliiska Soomaaliya oo ka digay khatar amni oo ka dhalan karta bixitaanka ciidamada Uganda

Muqdisho – 6 November 2026

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdullaahi Cabdullaahi, ayaa ka digay khatar amni oo ka dhalan karta bixitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in tallaabadaasi ay abuuri karto firaaq amni oo khatar ku ah magaalada Muqdisho.Jeneraal Cabdullaahi ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahdo xaalad amni oo u baahan feejignaan dheeraad ah, isagoo xusay in ciidamada amniga Soomaaliyeed aysan weli si buuxda ugu diyaarsanayn inay la wareegaan dhammaan mas’uuliyadaha ay hayaan ciidamada Uganda.Digniintan ayaa timid xilli dowladda Uganda ay billowday qorshaha ay ciidamadeeda ugala baxayso Soomaaliya, kaddib ku dhowaad labaatan sano oo ay ka qeyb qaadanayeen howlgalada amniga ee dalka.Wararka ayaa sheegaya in qaybtii ugu horreysay ee ciidamada Uganda ay ka baxday magaalada Muqdisho, iyadoo hoggaanka milatariga Uganda uu shaaciyay in bixitaanka ciidamada ku jooga heshiiska laba geesoodka ah la dhammaystiri doono maalmaha soo socda.Dhanka kale, ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa la filayaa inay si tartiib tartiib ah uga baxaan Soomaaliya, iyadoo qorshaha bixitaankooda la gaarsiinayo dhammaadka sannadka 2027.Ciidamada Uganda ayaa door muhiim ah ka qaata sugidda amniga xarumo istaraatiiji ah oo ku yaalla Muqdisho iyo deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Waxaa jira walaac laga qabo in bixitaankooda ay Al-Shabaab ka faa’iideysato haddii aan si wanaagsan loo diyaarin ciidamada Soomaaliyeed.Digniinta taliye ku-xigeenka Booliiska ayaa mar kale soo bandhigtay caqabadaha horyaalla dowladda Soomaaliya, gaar ahaan awoodda ciidamada qaranka ee la wareegidda amniga dalka iyo buuxinta meelaha ay banneeyaan ciidamada shisheeye.Xigasho: Qolka WararkaWararka iyo Falanqeynta Siyaasadda – Xog sugan iyo falanqeyn dhab ah.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top