Muqdisho – 9 November 2026

Xogaha laga helayo xaaladda gobolka ayaa tilmaamaya in Muuse Salaad uu haatan ku sugan yahay hoyga Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan, halkaas oo ay ka socdaan kulamo iyo wadatashiyo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee Hiiraan.
Go’aanka is-casilaadda ayaa yimid xilli magaalada Jowhar lagu qabtay munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), taas oo sii kordhisay hadal-haynta ku saabsan khilaafka siyaasadeed ee maamulka.
Muuse Salaad ayaa xilka loo magacaabay si uu u beddelo guddoomiyihii hore, kaas oo khilaaf kala dhexeeyay maamulka Hirshabeelle, isla markaana taageero u muujiyay mowqifka Ugaaska iyo xubno bulshada gobolka ka tirsan oo muddo tabashooyin ka qabay maamulka.
Dhanka kale, kulamada ka socda hoyga Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ayaa la filayaa inay door ku yeeshaan jihada ay xaaladda siyaasadeed ee gobolka u socoto. Weli si rasmi ah looma shaacin go’aannada ka dhalan kara wadatashiyadaas.
Is-casilaadda cusub ayaa su’aalo hor leh ka dhalisay awoodda maamulka Hirshabeelle ee gobolka Hiiraan iyo sida loo xallin karo tabashooyinka siyaasadeed ee muddada dheer ka jiray deegaanka.
Wararka iyo Falanqeynta Siyaasadda