Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo digniin culus ka soo saaray xaaladda Hiiraan, kuna baaqay in shacabka ay is-difaacaan

Baladweyne, Soomaaliya – 7 November 2026

Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, hoggaamiyaha dhaqanka beesha Xawaadle, ayaa digniin culus ka soo saaray xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gobolka Hiiraan, isagoo dadka reer Hiiraan ugu baaqay inay ilaashadaan naftooda iyo hantidooda.

Ugaaska ayaa hadalkan ka jeediyay kulan ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beesha Xawaadle, kaas oo looga hadlayay xaaladda gobolka iyo xiisadaha sii kordhaya ee ka taagan magaalada Baladweyne.

Isagoo muujinayay caro iyo walaac, ayuu sheegay in dadka reer Hiiraan lagu hayo weerarro uu ku eedeeyay in lagu fulinayo magaca dowladda.

“Waxaa jirta beel nagu soo weerareysa magaca dowladda. Reer Hiiraanow, difaacda naftiinna iyo hantidiinna,” ayuu yiri Ugaas Yuusuf.

Sidoo kale, Ugaaska ayaa baaq u diray xubnaha beesha Xawaadle ee ka tirsan hay’adaha dowladda iyo kuwa ku sugan furimaha dagaalka, isagoo ugu baaqay inay ka soo baxaan goobaha ay joogaan kuna soo laabtaan gobolka Hiiraan.

Wuxuu sheegay inay muhiim tahay in xubnahaasi ay garab istaagaan isaga iyo dadka deegaanka, xilli uu jiro khilaaf sii xoogeysanaya oo la xiriira xaaladda maamulka iyo siyaasadda gobolka.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay sii kordhayaan khilaafaadka u dhexeeya qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha deegaanka, dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle, gaar ahaan arrimaha maamulka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee gobolka Hiiraan.

Dhanka kale, magaalada Baladweyne waxaa ka socda dhaqdhaqaaqyo ay wadaan ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda, iyadoo ay jiraan baaqyo ka imaanaya siyaasiyiin iyo waxgarad deegaanka ah oo doonaya in wax laga beddelo xaaladda maamul ee gobolka.

Ilaa hadda ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya nooca weerarka uu Ugaas Yuusuf ka hadlay ama cidda uu si gaar ah ugu jeeday. Sidoo kale, lama oga saameynta uu yeelan doono baaqiisa ku aaddan xubnaha beesha ee ku jira hay’adaha dowladda iyo furimaha dagaalka.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top